HomeWararShil khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Baladweyne

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Baladweyne

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in barqannimadii Maanta halkaas uu ka dhacay shil gaari oo khasaaro geystay. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in shilka uu ka dambeeyay, kadib markii gaari nooca Soomaalida NOHA uu rogmaday, xili uu ku socday xawaare dheereeya, waxaana sigaar uga dhacay halka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in barqannimadii Maanta halkaas uu ka dhacay shil gaari oo khasaaro geystay.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in shilka uu ka dambeeyay, kadib markii gaari nooca Soomaalida NOHA uu rogmaday, xili uu ku socday xawaare dheereeya, waxaana sigaar uga dhacay halka loo yaqaano Dharaqa ee duleedka Baladweyne.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga ayaa ku dhaawacmay shilkaas, isla markaana waxaa la geeyay Xarun Caafimaad, waxaana gurmad u sameeyay dad shacab ah oo goobta Agdhawaa.

Darawalka ayaa la tilmaamay in gaarigaas uu ku waday si xawaare sare ah, uuna mar qura rogmaday, iyadoo ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku wajahnaa deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoona uu burbur xoogan soo gaaray gaariga.

Ma’ ahan markii ugu horreeyay oo shil gaari noocaan oo kale uu ka dhaco halka loo yaqaano Dharaqa ee duleedka Magaalada Baladweyne, waxaana xusid in horey shilal gaari halkaas uga dhaceen, kuwaasi oo qaarkood dad ay ku dhinten.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts