Shiinaha oo sheegtay in xal laga gaari doono Drone-ka Maraykanka ee lagu qabtay Badda Koonfurta Shiinaha.

Wargeyska The Global Times ee ay Dowladda Shiinaha leedahy ayaa maanta qoray iny Ciiddanka Shiinaha gacanta ku hayaan Diyaarad Drones nooca Badda quusa ee “Unmanned underwater vehicle (UUV)”, taasi oo Khamiistii la soo dhaafay lagu qabtay Badda Koonfurta Shiinaha.

Ilo ka tirsan Dowladda Shiinaha oo aan la magacaabin ayaa u sheegay Wargeyskaasi in laga baaraan-degayo Codsi ka soo gaaray dhinaca Marayknka, lana rajaynayo in si deggan loo xaliyo arrintaasi.

Wasaaradaha Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Shiinaha weli si rasmi ahaan uguma hadlin arrintaasi.

Dhinaca kale, Sarkal u hadlay Maraykanka oo codsday inaan magaciisa la shaacinin ayaa tilmaamay in Drones-kaasi inay hawlo sahmin ah ka waday Badda Koonfurta Shiinaha.

Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa xaqiijisay in Diyaaradasi tahay Hanti Maraykan, loona isticmalayey Teknoolajiyadda dhinaca Ganacsiga.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor