HomeWararShiinaha oo shaaciyay dalka uu ku tuhmayo in uu ka dambeeyo xanunka...

Shiinaha oo shaaciyay dalka uu ku tuhmayo in uu ka dambeeyo xanunka corona

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dalka Shiinaha oo ah wadankii ugu horeeyay ee uu ka dilaacay xanuunka corona ee hataan dunida ku faafay ayaa ka hadlay dalka uu ku tuhmayo in uu ka dambeeyay faafidda xanuunka corona. Wakalaadda wararka ee Reuters ayaa warisay in afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian uu bartiisa Twiter-ka ku qoray in milateriga Mareykanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dalka Shiinaha oo ah wadankii ugu horeeyay ee uu ka dilaacay xanuunka corona ee hataan dunida ku faafay ayaa ka hadlay dalka uu ku tuhmayo in uu ka dambeeyay faafidda xanuunka corona.

Wakalaadda wararka ee Reuters ayaa warisay in afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian uu bartiisa Twiter-ka ku qoray in milateriga Mareykanka laga yaabo in xanuunka corona ay geeyeen magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka dilaacay xanuunka, saameynta ugu bandanna uu ku yeeshay.

- Advertisement -

“Waxaa laga yaabaa in ciidmaada Mareykanka ay xanuunkaasi safmarka ah geeyeen Wuhan, warkiinu ha cadaado, waxaana Mareykanka ka sugeynaa fahfaahin ku aadan arrinta” ayuu Zhao ku qoray bartiisa Twiter-ka.

Hadalka afhayeenka ayaa kusoo aaday xilli safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Mr Songtian uu sheegay in xanuunka uu ka bilawday dalka shiinaha balse taas aysan ka dhigneyn in xanuunkas markiisi hore ka bilawday dalkaas.

Ilaa iyo hadda ma jira wax war oo ku aadan arrintaas oo ka so baxay Dowladda Mareykanka, waxaana sidoo kale aan la ogeyn sida ay suurtagal u noqon karto in ciidanka Mareykanka ay xanuunkaas ay geeyaan Wuhan iyo sababta, maadaama aysan kamid ah ahayn dalka Mareykanka.

- Advertisement -

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa maalma kahor ku dhawaaqday in Caabuqa Corona uu yahay musiibo Saf-mar ah oo caalami ah.WHO ayaa in muddo ah isha ku heysay dhaq-dhaqaaqa cudurkan, iasagoo hadda ku fiday inta badan dalalka caalamka.

Xigasho BBC-Somali

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts