Sheikh Shariif oo ku wajahan Baydhaba iyo ujeedka

Maadxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa Maanta ku wajahan magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarkau ah Maamulka Koonfur Soomaaliyeed, waxaana magalada laga dareemayaa Qaban-qaabada  soo dhaweynta.

Qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka Koonfur galbeed ayaa hadda u diyaargaroobay soodhaweynta, waxaana socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee mas’uuliyiinta shacabka KGS ay kusoo dhaweynayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed.

Madaxweyne Shariif ayaa socdaalo kala duwan waxaa uu ku tagi doonaa Magaalooyin badan ka tirsan dalka, waxaana la sheegay in socdaaladaasi ay qayb ka yihiin Olalihiisa Madaxweynaha.

Shariif oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha Midowga Musharixiinta ayaa sanadkaan ka mid ah Murashixiinta u taagan qabashada Xilka madaxweynaha Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media