Sheekh Shariif oo Somaliland ugu hambalyeeyay xuska 18-ka May

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay xuska 18-ka May oo ku beegan 30 sano guurada ka soo wareegatay markii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu Madaxda iyo shacabka Somaliland ugu hambalyeeyay xuska 18 May, isagoona ku boggaadiyay nabadda, xasilloonida Siyaasadeed iyo hirgalinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay ku guulaysteen.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay inuu aaminsanahay in qadiyadda Somaliland iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah, muhiimna u ah dib u yagleelidda dowladnimo lagu wada kalsoonyahay oo Soomaaliyeed, taas uu tilmaamay inay u baahan tahay in xil gaar ah la iska saaro.

“Waxaan hambalyo u dirayaa walaalaha Somaliland oo xusaya 18 May meel kasta oo Caalamka ay ka joogaan, anigoo ugu tahniyadeynaya nabadda, xasilloonida Siyaasadeed iyo hirgalinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay ku guulaysteen. Waxaan aaminsanahay in qadiyadda Somaliland iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah, muhiimna u ah dib u yagleelidda dowladnimo lagu wada kalsoonyahay oo Soomaaliyeed, taasoo nooga baahan in xil gaar ah la iska saaro, iyadoo lama huraan ay tahay in lala fariisto, la dhegeysto si looga qanciyo 30 sano ka hor dhibaatadii gaartay oo garowshiyo nooga baahan” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif ayaa xusay in Somaliland ay ku guulaystay sugidda Amniga, Horumarka Bulshada iyo in dadka ay doorasho galaan, iyagoo xulanaya cidda hogaaminaysa, isagoona tilmaamay in tusaale wanaagsan u noqdeen 30-ka Soomaalida inteeda kale.
Somaliland ayaa sanadka kasta markii la gaaro xiligaan oo kale dhiga xuska 18-ka May oo ku beegan 30 sano guuradii ka soo wareegatay markii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor