Wariye Abdulkadir Isse oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkaan 2020 ku guuleystay Abaal-marinta sanadlaha ah oo mar ay qabato Madasha Mogadishu Awards.
Abdulkadir Isse ayaa ka guuleystay illaa 6 wariye kale oo tartan la galay, kuwaasi oo dhammaantood ka howlgala warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaaliya, isagoona sidaas Abdulkadir uu ku noqday wariyaha ugu wanaagsan ee sanadkaan 2020.
Guusha uu gaaray wariye Abdulkadir ayaa waxaa soo dhaweeyey dadweyne badan oo sheegay inuu mudan yahay Abdulkadir Abaal-marinta uu ku guuleystay ee Mogadishu Awards, waxaana Wariye Abdulkadir uu u mahadceliyay dadkii u coddeeyay.
Sidoo kale dadka ayaa isku raacay in Abdulkadir Isse uu howlo muhiim ah u haayo bulshada. Abdulkadir ayaa waxaa uu si gaar ah uga warramaa wararka la xiriira Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa gudoonsiiyey Wariye Abdulkadir Isse Abaal-marinta wariyaha sanadka ugu wanaagsan sanadkaan 2020.
Si kastaba, Abdulkadir Isse ayaa ah wariye rug caddaa ah oo saxaafadda kusoo jiray in ka badan 10 sano, isagoona haatan kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee aadka loo yaqaano.