Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed  oo maalmahan booqasho ku joogay Muqdisho waxa uu maanta la kulmay Siyaasiga C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa Murashixiintii ugu cadcadaa ee Doorashadii  Madaxtinimadda Somalia ee ugu dambaysay.
Labada Mas’uul waxay yeeheen Kulan Khaas ah oo ay kaga hadleen Arrimaha Siyaasadda iyo Xaallada Ammaanka ee dalka.
Ilo ku dhowdhow Kulanakassi ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Sheekh Shariif iyo C/qaadir Cosoble isku Aragti ka noqdeen dhamaan Qoddobadii ay ka wada hadleen.
Dhinaca kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu maanta la kulmay Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay ka wada hadleen Xaalladihii ugu dambeeyey ee Somalia.
Bilowgii bishan November Sheekh Shariif waxa uu magaalladda Kampala kula kulmay Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna yeesheen Kulan-siyaasadeed iyaga Khaas u ahaa.
Kulamadda uu Madaxweynihii Dowladda KMG, Sheekh Shariif la leeyahay Madaxda DFS iyo Siyaasiyiinta kale ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu Madaxweyne Farmaajo ka shanqariyey inay jiraan Siyaasiyiin  mucaarad ku ah Deganaanshaha iyo Ammaanka dalka, inkastoo uu san Madaxweynaha afka ku ballaarinin Siyaasiyiinta uu tuhunsan yahay.