Sheekh Shariif oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Axmed Madoobe iyo Deni

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Manata xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaatay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Kulanka dhexmaray dhinacyada ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ee xiligaan Cakiran iyo sida xal looga gaari karo khilaafka hareeyay qabsoomida Arrimaha doorashooyinka dhacaya.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif ayaa waxaa uu ku sheegay in kulanka uu la qaatay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni sigaar ah diirada loogu saaray ka hadalka sidii dalka uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay oo si nabad ah ku dhacdo.

“Waxaan kulan la qaatey maanta M/weynayaasha Puntland iyo Jubaland oo aan ka wada hadalnay sida xal looga gaari karo khilaafka arrimaha doorashooyinka iyo sidii Dalka uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay oo si nabad ah ku dhacdo” ayuu yiri Shariifka.

Labada Madaxweyne ayaa dhawaan kulan gaar ah la yeeshay Midowga Musharaxiinta, iyagoona ka wada hadlay khilaafka doorashada iyo Shirka la filayo inuu Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ku dhexmaro Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa haatan degan xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoona leh isbaheysi ay uga horjeeda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor