Sheekh Shariif oo fariin u diray Madaxda Dowladda Federaalka

Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada ka dhacayay Gobolada Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose.

Sheekh Shariif oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu Beelaha ku dagaalamaya degmada Wanla-weyn iyo deegaano ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo ug baaqay inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, isla markaana la xaliyo wax kasto oo tabasho ah.

“Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kastana oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxda Maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Odayaasha dhaqanka ayuu Sheekh Shariif ka dalbaday inay u istaagaan sidii dagaalladaas ahliga loo joojin lahaa, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan joojinta Colaada.

“Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed inay u istaagaan sidii dagaalladaas ahliga loo joojin lahaa, annagana waxaan diyaar ula nahay inaan ka qayb qaadanno oo aan gacan ka siinno nabadeynta dadka walaalaha ah bi’idnillaah” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Shariif Sh Axmed.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay inay ka qeyb noqoto dadaal kasta oo looga hortagayo colaadaha soo noqnoqdey ee aafeeyey dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media