Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xalay halkaas kulan kula qaatay Odayassha dhaqanka degaanka.
Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa waxaa la isaga xog-wareystay xaaladda guud ee deegaanka iyo Colaad beeleedyo sanado badan ka dhacayay deegaano hoostega degmadaas, kuwaasi oo geystay khasaaro nafeed iyo hanti intaba.
Labada Madaxweyne ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa waxgaradka Cadale ka dhageystay warbixin ku saabsan mashaqadii ka dhacday Tuulada Burdheere {Koogaar}, taasi oo sannadkii 2019-kii noqotay deegaan laga qaxay.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Odayaasha dhaqanka degmada ay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ka dalbadeen in ka shaqeyaan sidii xal buuxa looga gaari Colaad beeleedyada ku soo laab-laabtay Cadale iyo deegaanada hoostega.
Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Odayaasha uu kulmay uga mahadceliyay doorka shariifka ah ee ay ka qaateen xasilloonida, midnimada iyo nabadeynta dadka walaalaha ee deegaanka ku wada nool.
“Had iyo jeer dhaqanku waa tiirka ugu muhiimsan ee horumarka, amniga iyo dowladnimada, oo ay adkaan lahayd in la’aantood laga soo gudbo caqabado badan oo dalka ka jirey” ayuu yiri Sheekh Shariif oo Qoraal kooban soo saaray.
Kulanka Madaxweyneyaashii hore ee dalka ay la qaateen Odayassha dhaqanka degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dibad joog ka ahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.