Sheekh Shariif iyo R/Wasaareyaashii hore ee dalka oo War kasoo saaray Xaaladda KGS

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Cumar Cabdirashiid Sharmaake iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydbabo ee Xarunta Gobolka Baay.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Madaxdii hore ayaa marka hore tacsi loogu diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed ee dadkooda dhibaatada kasoo gaartay dagaalkii xoogganaa ee ka dhacay Baydhabo.

Shariif, Kheyre , Gaas iyo CC Sharmaake ayaa dhammaan  siyaasiyiinta iyo Maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay in wadahadal ku dhameeyaan khilaafooda, isla markaana deegaannada Maamulkaas laga hirgeliyo doorasho la isla ogol yahay.

Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayey  ka rajeyeen in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer, dhowrtana muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac, iyagoona intaas sii raaciyey in dowladnimada ay u baahan tahay u turis.

Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii shalay magaalada Baydhabo ku dhexmaray ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka la magac baxay badbaadada KGS ee mucaaradka taageersan, in ka badan 10 qof ayaa ku dhintay, halka tirro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Hoos ka Akhriso Qoraalka

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor