Shariif Xasan oo xilkii ka qaaday mid ka mid ah Golihiisa Wasiirada

Jahwareerka Siyaasadeed ee ka bilaawday deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan Magalada Baydhbao ayaa sababay in xilka qaadis lagu sameeyo wasiiru dowlihii Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Koonfur Galbeed.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha waqtigiisa uu sii dhamaanayo ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday wasiiru dowlihii Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Abba Awow Suufi Caffan.

Wasiiru Dowlaha ayaa waxaa lagu eedeeyay falal la xiriira anshax xumada iyo baratakoolka iyo Sharafta Golaha wasiirada Koonfur Galbeed in uu ku dhaqaaqay.

Wasiiru Dowlaha xilka laga qaaday ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas,isla markaana uu ka mid yahay Xildhibaanada mucaaradka ku ah Shariif Xasan Sheekh Aadan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor