Shariif Sheikh Axmed oo gaaray Garoowe iyo Soo dhaweyn loo sameeyay

Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta gaaray Magaalada Graoowe ee xarunta Daowlad Goboleedka Puntland, halkaasi oo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda hadda talada haysa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Shariif ayaaa ka qayb gali doona shirk ka furmaya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka punland, waxaana shirkaasi looga hadli doonaa arrimaha soomaaliya, iaydoo ay ka qayb galayaan mas’uuliyiin kala duwan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media