Shaqaale u dhashay Raashiya oo lagu dhawaacay Yemen

Labo Haween oo u dhalatay Raashiya ayaa la sheegay in lagu dhaawacay duqeyn ay Isbahaysiga Sacuudiga maanta ka geysteen caasimadda dalka Yemen ee Sanca.

Shaqaalahaasi waxay ka hawl-galaan Xarun Caafimaad oo ku taalla magaalladda Sanca.

Dhinaca kale, Ugu yaraan 6 qof oo isku qoys ah ayaa lagu dhaawacay Duqeymaha ay Isbahaysiga Sacuudiga saakayto la beegsadeen dhismooyin ku yaalla gudaha iyo duleedka magaalladda Sanca.

Telefishinka Almasiirah ee ay Kooxda Xuutiyiinta leeyihiin waxay sheegeen in Diyaaradaha Isbahaysiga duqeeyeen dhismooyin ay dad rayid deggan yihiin, inkastoo ay Isbahaysiga sheegteen inay duqeeyeen goobo ciiddan.

Duqeymaha Isbahaysiga ayaa timid 2 maalin kadib, markii ay Daroonis ay Xuutiyiinta lahaayeen duqeeyeen goobo Shidaalka oo ku yaalla sacuudiga.

Duqeymahaasi waxaa ka dhashay dab iyo khasaaro soo gaaray dhuumaha shidaalka gudbiya, sida ay sheegtay Shirkadda Shidaalka sacuudiga eeARAMKO.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media