Shaqaale ku geeriyooday Kunteenar ku dhacay Dekadda Berbera

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dashay Gudaha dekadda Magaalada Berbera e deegaanada Maamulka soomaaliland kaidb markii uu  ku duldhacay Kuntineer siday Agabyo kala duwan.

Qofka dhintay iyo kuwa dhawacmay ayaa dhamaantood waxa ay ka tirsan yihiin shaqaalaha dekadda Berbera,waxana lagu soo waramayaa in Kuntineerka uu ka dhacay Gaari lagu waday isaga oo aan weli ka dhex bixin Gudaha Dekadda Berbera sida ay sheegeen qar ka mid ah Shaqaalaah dekadda Berbera.

Lama oga waxa sababay shilkaan balse Saraakiisha Amniga Magaalada Berbera ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritraano ku aadan sababta uu u dhacay Gaariga siday Kuntinerka ay ku rarnaayeen Qalab kala duwan.

Shaqaalo farabadan oo ka mid ah kuwa Muruq maalatada ah eek a Shaqeya Dekadda ayaa sameeyay gurmad kuwaas oo qaaday qaar ka mid ah Shaqaalihii uu waxyeeleeyay Kuntineerka soo dhacay,iyaga oo geeyay Isbitaalka Magaalada Berbera si loo Daweeyo.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa xili dhawaanahaan uu jiray khilaaf u dhaxeeyay Maamulka dekadda Berbera iyo Ganacsatada wax ku soo degsada Dekadaas,taas oo lagu howlana xalinteeda

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media