Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo la fasaxay iyo sababta oo la shaaciyay

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dhammaan shaqada dowladda Federaalka iyo kuwa Hay’addaha gaar ah ay fasax yihiin.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu sheegay in shaqaalaha fasax yihiin maalinta Khamiista ee kasoo socota oo beegan maalintii uu dhashay Nabiga Muxamed NNKH.

Agaasime Cabdullaah Maxamed ayaa ugu hambalyeeyay Shaqaale weynaha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed  Dhalasha Nabigeenna Muxamed (SCW), isla markaana muhiim ay tahay in la weyneyso dhalasha Nabiga Muxamed NNKH.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad kasta markii la gaaro bisha Mowliid garb ahaan 12-ka bisha fasaxda shaqaaladeeda, iyadoona la weyneynayo dhalashada Nabiga NNKH, sidoo kalena la qabtay Munaasabado.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Shaqada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media