Muqdisho:-Shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee dowlada hoose ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan mudo 5-Bil,qaar kamid ah shaqalaha waaxda Gaagiidka oo lasoo xiriiray Radio Dalsan ayaa sheegay in ay jirto xuquuq la’aan mudo bilo ah.
Abshir Shucey Cadoow waxa uu kamid yahay shaqaalaha waaxda Dab-damiska Radio Dalsan ayuu u sheegay in Mas’uuliyiin katirsan maamulka Gobolka Banaadir ay sheegeyn warar la xiriira in shaqaalaha mushaaraadkooda si toos ah u qaataan,balse Abshir Cadoow ayaa beeniyay arintaasi.
Halkan ka dhageyso Abshir Shuceyb Cadoow: