Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Bogga ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in Maanta duhurkii ay Gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Puntland ku dileen Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland.
Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in falkaan uu ahaa mid qorsheysan isla markaana lala beegsaday mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland xili uu ku sugna Bartmaha Boosaaso kaas oo Magaciisa lagu sheegay Xasan Xiir.
Weli Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland kama hadlin warka ka soo baxay Al-Shabaab oo ah in ay dileen Sarkaal ka tirsan ciidankooda Daraawiishta.
Todobadyadii la soo dhaafay ayaa deegaanada Puntland waxaa ka jiray beegsi dhanka Saraakiisha ah iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo qabtay dilalkaas.