Senatoro Mareykan ah oo ka hortagya  hub laga iibinayo Imaaraadka Carabta

Saddex Senator oo Mareykan ah ayaa sheegay inay soo saari doonaan sharci isku dayaya inuu ka hortago dadaal uu maamulka madaxweyne Trump ugu iibinayo Imaaraadka Carabta hub ku kacaya 23 bilyan oo dollar.

Saddexda Senator oo kala ah, Bob Menendez iyo Chris Murphy oo Dimoqraadi ah iyo Rand Paul oo Jamhuuri ah, ayaa soo saari doona afar qaraar oo kala duwan oo lagu diidayo hubkan laga iibinayo Imaaraadka, oo isugu jira diyaaradaha drone-ka iyo kuwa F-35 iyo gantaallada lidka diyaaradaha.

Iibinta hubkan ayaa wax weyn ka beddeli kara miisaanka awoodda dalalka Bariga Dhexe, waxaana xubnaha Congress-ka ay ka walaacsan yihiin deg degta maamulka uu hubka ku iibinayo.

Qaar badan oo ka mid ah sharci dejiyayaasha ayaa sidoo kale ka walaacsan in Imaaraadka ay hubkan u adeegsan doonaan weeraro waxyeelo gaarsiin doona shacabka Yemen, halkaasi oo dagaal sokeeyey uu ka socdo in ka abdan shan sano.

Sharci-dejiyayaasha ayaa isku dayaya inay dib u dhigaan iibkan, ayada oo ay adag tahay inay joojiyaan, waxayna rumeysan yihiin in maamulka Joe Biden uu joojin doono marka uu talada dalka la wareego.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media