Saxafigaasi oo lagu magacaabi jirey Axmed Xasan Suu’ale oo 34-jir ahaa ayaa la sheegay in xalay lagu dilay casimadda dalka Gaana ee Akra, iyadoo laga toogtay Madaxa iyo Laabta.
Warbaahinta Qaranka dalkaasi waxay cambaareeyeen dilkaasi, waxayna Boliska ug ubaaqeen inay bilaabeen Baaritaanka dilka Saxafigaasi oo ka mid ahaa Koox Weriyayaal oo soo bandhigay Fadeexadda K/Cagta Afrika sannadkii hore.
Guddoomiyihii hore ee Xiriirka K/Cagta ee dalka Gaana, Kwesi Nyantakyi oo ka mid ahaa Saraakiishii lagu helay Fadeexadaasi waxaa laga mamnuucay Ciyaaraha, iyadoo la ganaaxay 500,000 oo Dollar, kadib, markii ay Kameerooyinka qabteen isagoo qaadanaya Laaluush.
Dhinaca kale, Ururka Badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ waxay cambaareeyeen dilka Weriyaha u dhashay dalka Gaana ee Axmed Xuseen Suu’ale.