Ciyaar xiiso badan ayaa shalay dhexmartay Xulalka 17 jirada ee Soomaaliya iyo Itoobiya taas oo ka dhacday Magalada Bujanbura ee dalka Burundi.
Kulankaas xiisaha badnaa ayaa waxaa markii hore badiyay Ciyaaryahanada dalka itoobiya,iyaga oo ku badiyey 3-1 markii ay ciyaartii soo dhamaatay waxaa dacwad gudbisay Xulka Soomaaliya taas oo ku saabsan in Xulka Itoobiya ay safteen Ciyaartoy ka weyn daรขโฌโขda 17 Sano jirada.
Kadib baaris ay sameeyeen Xiriirka Cecafa ayaa lagu xaqiijiyey in Xulka Itoobiya ay u Ciyaareen saddex Ciyaaryahan oo Daรขโฌโขda 17 jirka ka weyn,waxayna goรขโฌโขaamiyeen in Saddexdii dhibcood Soomaaliya loo soo celiyo Saddex Goolna loo raaciyey.
Sidoo kale waxay xiriirka Goรขโฌโขaamiyeen in Saddexdii Ciyaartooy dib loogu celiyo dalkooda Itoobiya halka xulka Itoobiya lagu ganaacay lacag dhan Shan Kun oo Dollar.
Xulka Soomaaliya ayaa rajadooda waxa ay ku xiran tahay labada kulan ay la ciyaari doonto Martigeliyasha tartanka รย ee Burundi iyo Xulka Kenya oo saddex dhibcood heysta horayna uga soo adkaaday dalka Burundi.