Sawirro:-Xukuumadda Somalia oo Gaadiid ku wareejisay Laba maamul Goboleed iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta dhowr gaadiid ku wareejiyay qaar kamid ah Maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Maaliyadda,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaam Cumar Cismaan Eng.Yariisow iyo xuno ka socday maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu Wareejiyay gaadiid.

Wasiir Beyle ayaa maamulka Hirshabeelle ku wareejiyay 3 gaadiid,halka maamulka Koonfur Galbeed uu ku wareejiyay 2 gaadiid iyo maamulka Gobolka Banaadir oo lagu wareejiyay 2 gaadiid,isla markaana waxaa uu sheegay Wasiirka in horey ay Codsi u soo dhiibteen labada maamul iyo Gobolka Banaadir.

“Maanta waxaan Wareejinay Todobo Gaadiid ah oo loogu talagalay Dowlad-Goboleedyada in ay ku hormariyaan Canshuuraha Dalka,Iyadoo waafaqsan codsigoodii hore ayaa loogu qeybiyay sidaan, Gobolka Banadir (2), Maamulka Hishebelle (3) Maamulka K.Galbeed (2)”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ugu dambeyntii  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in uu qorsheynayo in 7-kale oo gaadiid ah uu ku wareejin doono maamulka Galmudug oo la siin doono 2,halka Jubbaland loogu tala galay in la  siiyo 3 gaadiid iyo maamulka Puntland oo la siin doono 2 gaadiid.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media