HomeWararSawirro:-Xukuumadda oo u mahad celisay dowladdo deymihii ka cafiyay Soomaaliya

Sawirro:-Xukuumadda oo u mahad celisay dowladdo deymihii ka cafiyay Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Dalalka Carabta ka cafiyaan deymaha,si ay taasi Gogal-xaar ugu noqoto saamaxaadda deymaha ee Caalamka intiisa kale. Mr; Beyle oo hadal ka jeediyay Shirka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee ka furmay Magalada Bayruut ee Dalka Lubnaan , ayaa uga mahad celiyay Dowladaha Carabta taageerada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Dalalka Carabta ka cafiyaan deymaha,si ay taasi Gogal-xaar ugu noqoto saamaxaadda deymaha ee Caalamka intiisa kale.

Mr; Beyle oo hadal ka jeediyay Shirka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee ka furmay Magalada Bayruut ee Dalka Lubnaan , ayaa uga mahad celiyay Dowladaha Carabta taageerada joogtada ah iyo meelmarinta qaraarrada la horkeeno Golaha, si loo taageero dedaallada socda ee fulinta qorshayaasha horumarinta Qaranka iyo cafinta Deymaha Soomaaliya.

- Advertisement -

“Taageerada Caalamiga ah iyo tan Jaamacadda Carabta ee Dalka waa lagama maarmaan waana xaq walaalnimo, si loo xaqiijiyo qorshayaasha leh mudnaanta islamarkaana loo daboolo caqabadaha caqabadaha dhinaca ammniga, dhaqaalaha iyo Bulshada.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.

Waxa uu mahad celin u jeediyay, Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle, Dalalka Sacuudiga iyo Aljeeriya oo ka cafiyay deynta Soomaaliya, taasi oo ka dhigan deynta haatan lagu leeyahay Dalka in ay tahay 4.6 Bilyan oo Dollar oo ay ku jirto 1.1 Bilyan oo ay leeyihiin Dowladaha Carbeed.

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa dhowaan ku ammaantay Dowladda Soomaaliya sida ay uga gudubtay wajiga koowaad ee sharuudaha deyn cafinta.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts