HomeWararSawirro:-Xukumadda Somalia oo amar dul-dhigtay Gaadiidka ka howlgalla Muqdisho

Sawirro:-Xukumadda Somalia oo amar dul-dhigtay Gaadiidka ka howlgalla Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga Gaadiidka dhulka uusan ka howlgali karin gudaha magaalada Muqdisho. Mashruucaan tijaabada badqabka  Gaadiidka dhulka ayaa loogu talagalay in looga hortago dhibaatooyinka shilalka Gaadiidka, si loo yareeyo qasaaraha ku yimaado hantida iyo nafta Dadka Soomaaliyeed, taasi oo ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga Gaadiidka dhulka uusan ka howlgali karin gudaha magaalada Muqdisho.

Mashruucaan tijaabada badqabka  Gaadiidka dhulka ayaa loogu talagalay in looga hortago dhibaatooyinka shilalka Gaadiidka, si loo yareeyo qasaaraha ku yimaado hantida iyo nafta Dadka Soomaaliyeed, taasi oo ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay ugu gogol xaareyso ku dhaqanka xeerka Sharciga gadiidka dhulka.

- Advertisement -

Gadiidka ayaa isugu jira Gawaarida xamuulka ee ka shaqeeya gudaha Magaalada iyo kuwa yar yar, waxaana meel la isla dhigay in ay laga maarmaan tahay hubinta tayada gaadiidka iyo in ay u dhameystiran yihiin sharciyada looga baahnayahay sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gadiidka Mudane Cali Gacal Gaaboow.

Maxamed Kulmiye Axmed waa Qabiir ku xeel dheer Gadiidka iyo dhulka waxaa uu ka hadlay sida ku haboon ee looga hortagi karo ciladaha ku yimaada gawaarida isla markaana loo baahanyahay in tijaabo la mariyo gadiidka ka howlgala gudaha Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Omaar)  ayaa sheegay in laga bilaabo maanta Gaadiidka ay mari doonaan tijaabo, si loo dhaqan geliyana  loo bahanyahay in ay u hoggaansamaan sharciga.

- Advertisement -

“Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

Waxaa kaloo Wasaaraddu sheegtay  in tababaro loo qaban doono shaqaalaha Guddiga Gaadiidleyda iyo Ciidamada Nabad gelyada Wadooyinka, si loo ilaaliya nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts