Sawirro:-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gaaray Baydhabo iyo Ujeedka Safarkiisa

Wafdi uu hogaaminaayo Xeer Ilaaliyah Guud Qaranka Dr.Ahmed Ali Daahir ayaa Maanta soo gaarey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.

Waxana Garoonka Diyaaraha Baydhabo Ku soo Dhaweyay  Wasiiro , Xildhibaan katirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha  Maxkamadda sare ee Dowlad Goboleedka KGS Mudane Ahmed Ali Muuse.

Soo dhaweyn ka dib waxaaa loo soo galbiyay Xaruunta Madaxtooyada  Koonfur galbeed  Halkaasi oo ay kullan kula qaateen Guddoomiyaha Baarlamanka KG  Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye , Iyagoona ay iska xog wareysteen Xalladda dalka Soomaaliya iyo Ujeedka Maanta Baydhabo Usoo gaareen.

Dhanka Kale wafdiga Xeer Ilaaliyah qaranka ayaa waxaa ay booqdeen Xaruunta Maxkamada Sare Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya , waxana halkaasi ku soo dhaweyay  Shaqaalaha Maxkamadda iyo Madaxdooda qeybahooda kala Duwan.

Waxana Uu mid mid u kormeerey Xafiisada Maxkamadda sare Ee Koonfur Galbeed.

Sido kale Xeer ilaaliyah  Qaranka ayaa waxaa uu kormeeray Xabsiga Dhex Ee Magaalada Baydhabo, isagoona Xallada Xabsiga iyo Maxaabuusta Ku jirta  warbixin ka siiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta KGS.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Ahmed Ali Muuse ayaa Baydhabo ku soo dhaweyay Wlwafdi Uu Hogaaminaayo Xeer Ilaaliyaha qaranka .

Dr.Ahmed Ali Daahir ayaa ka warbixiyay Ujeedada ay usoo gaareen Magaalada Baydhabo , Isagoona sheegey In uu uyimid sidii ugu koorgali lahaa qaabka u shaqeeyo Xabsiga   iyo Garsooka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media