Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dib u howlgalinta xarunta daryeelka caruurta dayacan iyo kuwa Agoonta ah ee degmada Warta Nabada.
Xarigjarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish waxa uu kormeeray qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay ee loogu talagalay in lagu daryeelo caruurta agoonta ah iyo kuwa dayacan si ay helaan fursada lamid ah kuwa ay waalidiintooda nool yihiin.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa digniin u diray dadka sida qaldan u isticmaala dhulalka danta guud ee bulshada loogu adeegi lahaa.
Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhanka kale xariga ka jaray dhismaha laamiga isku xira isgoosyada Cali Kamiin iyo Ifka Xalane ee degmada Warta Nabada oo uu dib udhis ku sameeyay maamulka gobolka Banaadir.