Sawirro:-Wasiirkii ugu dambeeyay ee Golaha cusub Puntland oo la Dhaariyey

Wasiirka Wasaaradda Wabarshada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha  Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Dhaarinta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kula dar-daarmay Wasiirka in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo uu ugu adeegayo shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, Isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey in uu ka feejignaado waxkasta oo hoos u dhac u keenaya shaqadiisa.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey wasiirka cusub in uu ku asturo shaqadiisa, uuna ka yeelo mid si daacada, sinaan iyo cadaalad ah uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday.

Wasiirka Wasaaradda Wabarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa noqonaya Wasiirkii ugu danbeeyey ee la dhaariyo, taasi oo macnaheedu tahay in dhammaan ay mareen Golaha Xukuumadda Puntland dhaarta dasduuriga ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media