Sawirro:-Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulamo ka wada dalka Cuman

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Magaalada Muscat ee dalka Oman kullan kula qaatay shirkado badan oo hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada dalka.

Kulanka oo ay Goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka kala socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Jaamacadda Simad, Jaamacadda Muqdisho iyo Jaamacadda City ayaa looga hadlay hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shirkani muhiimad gaar ah uu u leeyahay Horumarinta waxbarashada.

“Waxaa la fariistay shirkado badan oo hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada, waxaan ka dhageystay hababka ugu macquulsan ee teknoolajiyaddooda ka caawin karto nidaamka waxbarashada dalkeena”ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada XFS Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka Go,an taha in la helo waxbarasho tayo leh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media