Sawirro:-Wasiirka Waxbarashada dowladda oo lagu soo dhaweeyay Baladweyne

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumdda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Wasiir Goodax  ayaa waxaa ka qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Goolle ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana Garoonka  Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan,kan Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan halkaas.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ujeedka Baladweyne u tegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya ay tahay sidii uu dhagax dhigi lahaa xarumo Waxbarasho oo laga hirgelin doono Magaalada Baldweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Wasiir Goodax Barre inta uu ku sugan yahay halkaas waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Waxgaradka,Bulshada,maamulada iyo Macalimiinta wax ka dhigta Iskuulada ku yaalla halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media