Sawirro:-Wasiirka Waxbarashada dowladda oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee Maanta gaaray Baydhabko ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa Wasiir Goodax waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed iyo qaar kamid Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaas ku sugan.

Ujeedka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xukuumadda u gaaray Baydhabo ayaa waxaa tahay sidii uu u dhagax dhigi lahaa Mashaariic Waxbarashado oo halkaas laga hirgelin doono.

“Waxaan maanta soo gaaray magaalada Baydhabo Jannaay ee Gobolka Baay oo aan u nimid in aan ka fulinno mashaariic waxbarasho Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan sida wacan oo ay noogu soo dhaweeyeen magaalada Baydhabo”ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay Magalaad Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kasoo dhagax dhigay Mashaariic lagu dhisayo Dugsiyo Waxbarasho oo si lacag la aan ah oo wax loogu barayo ubadka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media