Sawirro:-Wasiirka Maaliyadda oo la Kulmay Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa horyimid Guddiga Dhaqaalaha,Maaliyadda,Ganacsiga,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo Guddiga Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Aqalka sare Su’aalo weydiinta dhinaca Maaliyadda Dalka.

“Su’aalo weydiinta Guddiga Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Aqalka sare ee BFS aad ayaan uga mahadcelinayaa waxaana ka wada hadalnay arrimaha Maaliyadda, diyaar baan u nahay wada shaqeynta Wanaagsan wixii talo guudna waan ka sugaynaa”.ayuu yiri Cabdi raxmaan Ducaale Beyle

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska golaha aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhag dheer ) ayaa dhankiisa sheegay in kulankan uu ahaa kulan isla xisaabtan ah, Su,aalana laga weydiiyay Wasiirka qaabka dhaqaalaha dalka.

“Su’aalaha dhanka dhaqaalaha ee aan weydiinay Wasiirka Maaliyada dalka waxay u badnaayeen xog wareysi, waxaan kaloo ka wada hadalnay wax qeybsiga dowlada Federaalka iyo dowlada goboleedyada iyo deeqaha soo gala dowlada Soomaaliya”

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska golaha aqalka sare baarlamaanka federaalka soomaaliya ayaa sidoo kale dhowaan kulan isla xisaabtan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga.

Sawirro:-Wasiirka Maaliyadda oo la Kulmay Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media