Sawirro:-Wasiirka Gaashaandhigga oo sagootiyey Saraakiil tababar loogu qaaday Turkiga

49 Saraakiiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta loo qaaday Dalka Turkiga, si halkaas ay ugu soo qaataan tababar Sare loogu qaadayo aqoontooda.

Saraakiishan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) ayaa guud ahaanba Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada nasiibka u yeeshay inay tababarka helaan waxa uu ugu baaqay inay dedaalkooda Laba jibbaaraan, isla markaana ay noqdaan kuwa Dalkooda wax u qabta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor