Sawirro:-Wasiirka Gaashaandhiga Ingiriiska oo ka degay Magalada Hargeysa

Madaxweynaha Soomaaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka Difaaca ee Dalka Ingiriiska Gavin Williamson oo booqasho rasmi ah Maanta ku tegay  Soomaaliland,iyaga oo yeeshay kulan muhiim ah.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyadoo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku tago deegaanada Soomaaliland.

Kulanka ayaa  ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan,sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland waxaa  kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gaashaandhigga iyo qunsulka Soomaaliland u qaabilsan Dalka Ingiriiska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor