HomeCaalamkaSawirro:-Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta oo la kulmay Masuul ka tirsan Turkiga

Sawirro:-Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta oo la kulmay Masuul ka tirsan Turkiga

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Soomaliya Xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa kulan looga hadlay dhinacyo badan Turkiga kula qaatay Madaxa Arrimaha Diinta Turkiga Dr.Cali Irbaash. Mudane Xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa marka hore ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay isaga & wafdigiisa waxuuna xusay taariikhda lama ilaabaanka ah ee Dadka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mudane Xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa marka hore ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay isaga & wafdigiisa waxuuna xusay taariikhda lama ilaabaanka ah ee Dadka iyo Dalka Turkigu ku leeyihiin quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Cali Irbaash Madaxa Arrimaha Diinta Dalka Turkiga ayaa xusay muhiimadda ay leedahay booqashada Wasiirka uu ku joogo Dalka Turkiga isagoo sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado dhanka horumarinta Barashada Diinta Islaamka.

- Advertisement -

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa dhankiisa soo dhaweeyay iskaashi ku dhisan danaha labada Dal oo dhaxmara Soomaaliya iyo Turkiga.

“ Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa isbarbar taagga iyo hiilka uu markasta noo hayo Turkiga, anaga oo ka faa’idaysan doono fursadaha iskaashi dhanka horumarinta Barashada Diinta & Horumarinta Xarumaha Barashada Diinta, waxaana mustaqbalka balaarin doonaa xiriirka iskaashi” ayuu yiri wasiir Xildhibaan sheikh Nur Mohamed Hassan.

Ugu damabayn, Wasiir Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa xusay inay muhiim tahay in Soomaaliya laga caawiyo horumarinta xarumaha barashada Diinta iyo Tababaridda Imaamyada, Khadiibyada, macalimiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts