Sawirro:-Wasiirada Khayraadka Biyaha ee Jaamacadda Carabta oo shir u soo gaba geboobey

Shir weynaha 3aad ee Arrimaha Biyaha Carbeed ee heer Wasiir ah ayaa lagu soo gabagabeeyay Dalka Kuwait,iyadoo go’aanada soo baxay ay yihiin kuwo waxtar u leh Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaana ka qeybgalay wafdi ka socday dowladda Soomaaliya.

Wasiiradda Biyaha Carbeed ayaa isku afgartay in Dowladaha Carbeed iska kaashadan Horumarinta Kheyraadka Biyaha iyo habsami u maamulka ilaha Biyaha wadamadaasi.

Wasiiradu waxa ay isla gorfeeyen in Dowlaha Carbeed ee dhaqaalohoodu hooseeyo laga saacido mashaariicda horumarinta biyaha iyadoo Hay’adda Carbeed ee Horumarinta Biyaha laga codsaday in ay daraasad ku sameyso baahida dalalka u baahan in laga gacan siiyo Horumarinta Biyaha.

Kusimaha Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiir Ku Xigeenka Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim  oo qudbad qaayo leh ka jeediyay shirweynaha ayaa ka warbixiyay xaaladda Biyaha Dalka iyo dhinacyada u baahan in Soomaaliya laga gacan siiyo,taas oo si weyn loogu dhag raariciyay.

kulamadii gaar gaarka  ahaa ee Wafdiga Soomaaliya ay la yeeshen wafuuda kala duwan ee Shirka ka soo qeybgashay ayaa dhammaan ku soo dhammaaday is afgarad iyo ballan qaadyo la xiriira mashaariic lagu horumarinayo Kheyraadka Biyaha in laga hirgeliyo Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media