Sawirro:-Wasiir Yariisow oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian ayaa uga mahad celiyay dowlada Shiinaha sida ay kaga qeyb qaadatay Hormarka dalka.

Wasiir Yariisow ayaa sheegay in Shiinaha burburka dalka ka hor uu mashaariic guulo taarikhi ah ka fuliyay Soomaaliya sida dhismaha Jidad kala duwan, Garoonka Muqdisho Stadium, Tiyaatarka Qaranka, Isbitaallo iyo Mashaariic kale oo wax tar weyn u leh Soomaaliya, isagoo sidoo kale ku amaanay dowlada Shiinaha sida ay kaga qeyb qaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirka ayaa u sheegay Safiirka in ay ka rajeynayaan dowlada Shiinaha inay dib u soo celiso Mashaariic la mid kuwii Taariikhda baalka ka galay ee Soomaaliya ay ka sameysay, waxayna taas Dowlada Federaalka u sahli kartaa inay ka guul gaarto isbedelada dhinac kasta oo la doonayo in dalka laga hirgaliyo.

Kulanka Wasiirka iyo Safiirka waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan wasaarada Warfaafinta uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee wasaarada Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cumar Al-cadaala iyo masuuliyiin kale.

Sawirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media