Sawirro:-Wasiir Maareeye oo la kulmay dhigiisa dalka Finland

Wasaaradda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hogmaaniyo oo safar shaqo ku joogo dalka Finland waxaa la kulmay dhigiisa Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta ee dalkaas Ms Anne-Mari Virolainen.

Labada mas’uul ku oo ku shiray dalka Finland ayaa ka wada hadlay sidii loo xooxjin lahaa xiriirka Ganacsi iyo maalgashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen Wasiiradda sidii Shirkadaha labada wadan ay u yeelan lahaayeen Ganacsi wadaag iyo Isdhaafsi Cilmiga iyo Technology-yada Ganacsiga, Wershadaha iyo waxsoosaarka kheyraadka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa iy wafdigiisa ayaa la kulmay madax shirkado iyo Maalqabeeno danaynaya in ay maalgashadaan Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiir Maareeye ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Somalida ee dalka Finland ku dhaqan,isagoona ka xogwareystay nolosha Finland ,isla markaana u jeediyay Jaaliyadda dardaaran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media