Sawirro:-Wasiir Duraan Faarax oo Maanta booqday Safaaradda Somalia ee Itoobiya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Itoobiya gaar ahaan Caasimadda dalkaasi ee Addis-Ababa.

Socdaalka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa waxaa ku wehliyay xubno ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta oo ay ka mid yihiin Maareeye Kuxigeenka Guud Hey’ada Duulista Rayidka Soomaaliyeed Agaasimaha Guud Garoomada Dalka Said Mohamed Hussien.

 

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa si weyn loogu soodhaweeyay Adisababa, waxaana soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), waxaana safiirku uu uga warbixiyay wafdiga xaaladaha guud ee Safaaradda iyo Howlaha ay bulshada u hayaan.

Wasiir Duran Farah ayaa maalmahan hawlo shaqo u joogay dalka Itoobiya, waxaana Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ay tahay mid shaqooyin culus u haysa Soomaalida ku nool dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor