Sawirro:-Wasiir Beyle oo la kumay qaar ka mid ah Madaxda Waddamo Caalami ah

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle, oo ku sugan Magaalada Washington DC ee Caasimadda Dalka Maraykanka ayaa kualmmo la qaatay qaar ka mid ah madaxda Dalkaasi iyo hay’ado Caalami ah.

Mudane; Beyle, ayaa shirar gooni-gooni ah kula qaatay Magaalada Washington mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Aduunka iyo xubno kale oo ka socday Dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo Sacuudi Carabiya.

“Waxaan Magaalada Washington shirar gooni gooni ah kula qaatay madaxda IMF, Bangiga Aduunka iyo xubno kale oo ka socday Dalalka UK, Italy iyo Saudi Arabia” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya , C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in madaxdii uu la kulmay ay wadaageen xogo ku aaddan   is-beddalka maliyadeed ee Soomaaliya iyo hiigsiga ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media