Sawirro:-Wasaaradda Tamarta Xukuumadda oo Maanta Shir ka furtay Muqdisho

Waxaa magaalaad Muqdisho maanta ka dhacay shir ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka Biyaha Soomaaliya,ayna ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala socday heer federaal iyo heer dowlada Goboleed,sida wasaaradaha Caafimaadka,waxbarashada,Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Hay’ado samafal,kuwaasi oo dhamaan tooda bahwadaag dhanka wada shaqeynta ah la ah Wasaaradad Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowladda Soomaaliya.

Ujeedka Shirkan oo sanadkiiba 2 mar uu qabsoomo ayaa ahaa dib u eegista howlagha guud ee wasaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, gaar ahaan howlaha adeega faydhowrka ee 6 bilood ee la soo dhaafay.

Shirkan waxaaa guddoominayaya agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaah Soomaaliya Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed,iyadoo intii u shirkaasi socday lagu falanqeeyey qorshayaasha sanadkan ee wasaradda,gaar ahaan waxaa uu ku saabsanaa dib u eegista howlaha Faydhowrka ee 6 bilood ee la soo dhaafay.

Wasaaradaha iyo Hay’adaha shirkan qeybta ka ahaa,wadashaqeyntana kala dhexeyso wasaaradad Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Soomaaliya ayaa dhankoodi soo bandhigay wixii uga qabsoomay,howlahaasi gaar ahaan mashruuca (Wash) ama howlaha adeega Faydhowrka Biyaha,waxaana maalgelinaysa Hay’adda UNICEF.

Wasaaradda caafimaadka ayaa ka quseeya mashruucan dhinaca Nadaafadda biyaha(Water Sanitation),halka wasaaradda waxbarashaduna ay ka soo galayso in ardayda iskuulaadku ay helaan biyo nadiif ah.

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa adeegyada guud ahaan ay uga fadhiyaan shacabka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media