Sawirro:-Wasaaradda Qorsheynta oo Shir ka daahfurtay Magaalada Kismaayo

Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfurtay Watashiga Qorshaha Horumarimta Qaranka Sagaalaad  wareeggiisa kowaad oo lala yeeshay Rugta Ganacsiga  Jubbaland.

Hadafka Wasaradda Qorsheynta dalka oo ah in wadatashi lala yeesho Ummadda Soomaaliyeed oo dhan si qorshaha u noqdo mid ay leeyahiin  shacabka Soomaaliyeed, waxaana furitaanka munaasabada lagu daahfuryay  wadatashiga gooobjoog ka ahaa  qaar ka mid ah Wasiirada Maamulka Jubbaland oo kala Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka ganacsiga, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dastuurka iyo Xoghayaha Joogta Wasaradda Qorsheynta JFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan.

Wasiirka Qorsheynta Maamulka Jubbaland Mudane Aadan Ibraahiim Aw Xirsi  ayaa sheegay in Jubbaland ay soo dhaweenayaan wadatashigan ee  Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad oo si siman uga socda dalka oo dhan, isla markaana mudada afarta maalmood ee wadatashiga ka socda Jubbaland ay hay”adaha iyo bulshada diyaar u yihiin inay ku biiriyaan aragtidooda ku aadan sida lagu horumarin karo qorshaha.

Qaar ka mid ah Wasiiradda Jubbaland oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa ay talaabadan ku tilmaameen in ay tahay mid ahmiyad wayn u leedahay Jubbaland, dhankooda ay bogaadinayaan shaqada ay waddo Wasaaradda Qorsheynta Dowladda dhaxe iyo tan Jubbaland.

Mudane Cabdulqaadir Maxmaed Aadan  Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheyna, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa qeexay shaqada afarta moolmaad ee wadatahsiga wareegga kowaad ee qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad ka bilaawday maanta iyo hadafka laga leeyahay in  qorshahan wax looga qabto.

“Qorshaha horuamrinta Qaranka ma ahan mid siyaasad ah, waana mid ku cad baahiyaha shacabka Soomaaliyeed ay leeyahiin, Qorshahan waxaa uu ka koobnaan doona shan tiir, waana mid ay wada leeyahiin shacabka Soomaaliyeed, Sida ururrada bulshada rayidka, ganacsatada, Baarlmaanka iyo hay’addaha dowladd Goableedka waxaan idinka doonayaa in maskaxdiina aad shiishaan si aan u helno wax Ummadda Soomaaliyeed dan  u ah”. ayuu yiri Xogahayah Joogtada ee Wasaaradda Qorsheynta.

Dhinaca kale rugta ganacsatada Jubbaland ayaa loo qeybiyay ilaa siddeed koox oo ay ka doodeen baahiyaha ay doonayaan in wax uu ka qabto Qorshaha, iyadoo ay soo bandhigeen talooyin dhaxal gal ah oo  muhiim ah geedi socodka qorista Qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, isla amarkaana waxa ay bogaadiyeen  dadaallada ay wada Wasaaradda Qorsheynta Dalka ayna uga mahadcelinayaan sida ay u dhageysatay una tixgalisay Waxyaabaha ahmiyada leh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media