Booliska dalkaasi ayaa sheegay inay Toogasho ka dhacday Magaalladda Utrecht oo 25 mayl dhanka Koonfur kaga aadan caasimadda dalkaasi ee Amesterdam lagu dilay hal qof.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inuu Nin hubeysan rasaas ku furay Tareen, ka hor inta uusan baxsanin.
Mid ka mid ah dadka Deegaanka oo lagu magacaabo Jimmy De Koster oo goobjoog ka ahaa dhacdadaasi ayaa u sheegay Wargeyska De Telegraaf inuu ag taagnaa Nalalka Samafalka ee 24 Oktoberplein, 24 Oktoberplein, isla markaana uu arkay haweeney dhulka taalla, oo uu da’deeda ku qiyaasay 20-jir ilaa 35-jir, oo ku qeylinaysay Aniga waxba ma samynin.
Booliska magaalladda Utrecht waxay sheegeen inay baadi-goobayaan ninkii geystay toogashadaasi, iyadoo ay Goobajoogayaal tirade dableyda gaarsiiyeen ilaa dhowr nin oo hubeysan.
Dugsiyadda ku yaalla goobta ay toogashadda ka dhacday ayaa la wada xiray, waxaana la arkayaa Gaadiidka Adeegyadda Gurmadka oo ku sugan goobta.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Holland, Mark Rutte waxa uu ku tilmaamay Xaalladda mid aad looga walaaco, halka Xiriiriyaha Hay’adda La-dagaalanka Argagixisadda ku sheegay Twitter-ka in Koox ka tirsan kuwa Qalalaasaha uu u socdo Kulan ay kaga xaajoonayaan Xaalladda.
Si kastaba ha ahaatee, Boliska dalka Holland waxay baaritaan ku hayaan haddii Toogashadda ka dhacday magaalladda Utrecht loo aqoonsan karo suurto-galnimadda Weerar Argagixiso.