Sawirro:-Wararkii u dambeeyey Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Saldhiga Baar-Sanguunin

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa gaariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa,isla markaana uu waday Ruux isasoo miidaamiyey waxa uu ku qarxay afaafka hore ee Saldhig ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin Baar-Sanguuni.

Al-Shabaab iyo Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa si kala dwuan wax ay uga hadleen weerarkaas ismiidaanta ah ee lagu qaaday Saldhiga Baar-Sanguuni.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland e Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay shaaciyeen in weerarkaas ay kahor-tageen,isla markaana kaliya uu ku geeriyooday ruuxii ismiidaamiyaha ahaa,halka Al-Shabaab ay dhankooda sheegeen in weerarkaas ay ku dileen ilaa 50 Askari.

Wararkii u dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan,waxana xusid mudan in saldhigaas uu yahay kii shalay lagu dilay askar ka tirsaneyd Ciidamo Mareykan ah o Sldhigaasi ku sugan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media