Sawirro:-Wararkii u dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Magalada Muqdisho

Ilaa Saddex Qarax ayaa Galabta ka dhacay Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho,kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo aha kuwo gaari loo adeegsaday ayaa ahaa kuwo is xigxigay,waxaana ay ka dhaceen laamiga u dhaxeeya Xarunta Dambi-baarista ee CID-da iyo Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho.

Waxaa Sawirro laga soo qaaday Goobta qaraxa la arkayay burbur xooggan oo soo gaaray Hotelka Saxafi oo dad tegay ay Dalsan u sheegeen in darbiga Hotelka lagu dhuftay Gaari qarax siday.

Waxaa Gurmad halkaasi ka sameeyay Gawaarida gurmadka deg dega ah,iyada oo ay jiraan dhaawacyo ay qaadeen.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa sidoo kale yaalla mid ka mid ah Gawaarida dadweynaha ee Homeyda loo yaqaano iyo Mootooyin bajaaj oo burburay,waxaana ku waxyeeloobay dadkii saarnaa.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in rag hubeysan oo ka tirsana Al-Shabaab,isla markaana doonayay inay weeraraan Hotelka Saxafi la toogtay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor