Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa gaaray Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdigan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir,Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno kale.
Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa inta ay ku sugan yiihin Dhuusamareeb waxaa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo muddo ku dhow Bil ku sugan halkaas iyo Madaxda Galmudug.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Magaalada Dhuusamareeb u tegay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Dhismaha Galmudug Cusub oo qorsheyda ay wado dowladda Federaalka.
Ammaanka guud Magaalada ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana iska kaashanaya Ciidamada dowladda,kuwa dowlad Goboleedka Galmudug iyo Ilaalada gaarka ah ee Xasan Cali Kheyre.