Sawirro:-Wafdi ka socda Xafiiska RW Kheyre oo kulamo ka wada Kismaayo

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland.

Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta wada shaqaynta wasaaradaha Jubaland iyo wasaaradaha federaalka si loo fududeeyo loona daadejiyo howlaha dawladda ee lagu dhaqan geliyo halbeegyada tubaha qaranka.

Shirka ay yeesheen xoghaye Axmednuur iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland ayaa sidoo kale aad loogu falanqeeyay isku tashiga, qorshaynta iyo curinta howlaha danta qaranku ku jirto ee loogu adeegayo ummadda Soomaaliyeed iyo in laga fogaado in lagu dhaqmo qorshooyin aan ka tarjumayn danta mawaadiniinta, ayna soo dejiyeen dad aan Soomaali ahayn.

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal barwaaqo ah, hadii la isku tashado oo si wadajir ah dadaal badan loo sameeyana laga baxayo faqriga iyo gaajada dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa billaawday in tubaha qaranka ee afarta ah ay u daadejiso heer dawlad gobaleed si ay u qaataan dawrkooda ku aadan dhaqan gelinta halbeegyada iyo howlaha tubaha, loogana dhabeeyo himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media