Sawirro:-Wafdi ka socda Wasaaradda Dastuurka oo gaaray Baydhabo

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi ka socda Wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dr Xuseen cabdi Cilmi.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyey Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa qeyb ka ah Xubno ka socda Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka,kuwaas oo Baydhabo u tegay sidii loo dardargelin lahaa dib u egis lagu sameeyo DAstuurka qabyada ah ee dalka.

Wefdigan ayaa Mudada ay ku sugan yihiin Baydhabo Waxey Kulamo la qaadan Doonaan Ururada Bulshada Rayidka ah ee ku nool deegaanada koonfur galbeed Si loo Wadaago Xog uruurinta laga wado bulshada soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media