Sawirro:-Uganda oo Ciiddamo dheeraad ah u soo diraysa Somalia, si ay u kaabaan Hawlgalka AMISOM

Taliyaha Guud ee Ciiddanka UPDF ee dalka Uganda, General Gen David Muhoozi waxa uu Tababar u soo xiray Ciiddamo Cusub oo loo soo diri doono Somalia.

Ciiddankaasi oo ah Kooxda 26-aad ee dagaalama (UGBAG 26) waxay soo dhamaysteen Tababar ay muddo 6 bilood ah ku qaateen  Xraunta Tababarka Ciiddamadda ee Singo oo ku taalla Degmadda Nakaseske ee dalkaasi.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda waxa uu sheegay in Ciiddanka Cusub ee loo soo dirayo Somalia ee uu hoggaaminayo Kolonel Toffa Magino loogu talagalay inay ka qeyb galaan Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab iyo inay gacan ka geystaan soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ugu baaqay Ciiddankaasi inay noqdaan kuwo Dishibiliin leh muddada ay ku jiraan Hawlgalka, si ay u dhowraan Calanka Uganda.

Dhinaca kale, bishii July ee sannadkan, waxay Uganda u soo dirtay Somalia ciiddamo kale, kuwaasi oo qeyb ka nodday Ciiddanka Uganda ee ka hawlgala Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 6,000 oo Askar u dhalatay dalka Uganda ayaa ku sugan Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor