Ugu yaraan 20 qof ayaa gereiyootay, 26 kalena wey dhaawacmeen, kadib, markii uu hubeysan uu rasaas la beegsaday boqolaal qof oo ka dukaamaysanaysay Dukaan ay leedahay Shirkadda caanka ee Walmart oo ku yaalla magaalladda El Passo ee Gobalka Teksas ee dalkaasi.
Saraakiisha ayaa sheegay inay Toogashadaasi ka mid tahay kuwa ugu dhimashada badan ee ka dhacay dsalkaasi, iyadoo dadka la dhawaacy da’dooda u dhexeyso 2-jir ilaa 80-jir.
Boliska waxay gacanta ku dhigeen Ninkii geystay Toogashadaasi, oo magaciisa lagu sheegay Batrik Kurusius oo 21-jir ah, kaasi oo ka soo jeeda magaalladda Allen ee isla Gobalka Teksas.
Saraakiisha Boliska waxay sheegeen inuu Eedeysanaha qoriga AK 47 u adeegsaday Toogashadaasi.
Dhinaca kale, ugu yaraan 3 Muwadain oo u dhalatay dalka Meksiko ayaa ka mdi ah dadka lagu dilay Toogashadaasi, sida uu sheegay Madaxweynaha dalkaasi, Andres Manwal Lopes.
Sidoo kale, Madaxweyne Donald Trumo waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay inay Toogasho xanuun badan ka dhacday El Paso, wararkuna ay yihiin kuwo aad u xun, dad badan ayaa la dilay.