Sawirro:-Tartanka Oradka Gaaban oo Maanta lagu qabtay Muqdisho

Tartankan Oradka Gaaban ee (Marathon) oo lagu xusayay maalinta horumarinta Ciyaaraha iyo Nabadda Aduunka iyo maalinta Ciyaartooday Soomaalliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa soo qabanqaabiyay Tarnkaan Wasaaradda Dhalanyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo uu martigeliyay maamulka Gobolkani Banaadir.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay Ciyaartooy laga soo kala xulay 17 degmo ee Gobolka Banaadir oo isugu jira wiilal iyo gabdho,kuwaasi oo soo bandhigay tartan cajiib ah,waxaana furitaanka goob joog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxmed Diiriye.

Kaalinta koowaad waxaa galay Cabdinuur Maxamed Garaad oo ka socday wiilasha degmada Kaaraan,halka kaalinta labaadna ay gashey Ikraan Maxamed Xuseen oo ka socotay gabdhaha degmada Boondheere.

Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan masuuliyiinta Olombikada iyo Ciyaaraha ayaa dhiirogeliyay dhamaan dhalinyaradii ka qeybqaadatay.

tartanka oo sanadkiiba 5 April mar la qabto ayaa Soomaaliya lagu qabanaya sanadkii 2-aad tan iyo markii ay burburtay dowladii Dhexe ee Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media